Dowlada Kenya ayaa qorsheynaysa iny albaabada isugu dhufato dhowaan xerada qaxootiga caalamka ugu weyn oo ay ku nool yihiin inku dhow rubuc milyan oo ruux.

Sida ay daabacday wakaalada wararka AFP oo aragtay dukuminta ku saabsan xirista xeradan qaxootiga oo soddon sano jirsatay ayaa sheegaya in bisha August ee sanadkan ay dooneyso dowlada Kenya inay xirto Dhadhaab,

Dukumintiga ku saabsan qorshaha xirista xeradan ayaa lagu sheegay in Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ay diyaar u tahay in dowlada Kenya kala shaqeyso sidii dib loogu celin lahaa wadamadooda qaxootiga iyagoo raali ah,in dib loo dejiyo gudaha dalka Kenya amaba dal saddexaad la dejiyo.

Dhammaan hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala xerada qaxootiga Dhadhaab ayaa ka warqaba qorshaha dowlada Kenya ay damacsan tahay oo ah xirista xeradan oo ay ku nool illaa iyo 230,000 oo qaxooti ah kuwaasoo badankood ah Soomaali.

Bishii May 2016 ayay dowlada Kenya go’aansatay inay xirto xeradan qaxootiga iyadoo sheegtay inay hoy u tahay argagaxisada laguna tababaro ururka Al-Shabaab.
Tobanaan kun oo qaxooti ahayaa dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

HALKAN GASHO