Wararka ka imanaya deegaanka KM-13 ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo katirsan AMISOM lagula eegtay qarax miinada dhulka lagu aaso ah.

Kolonyada gaadiidka ee qaraxa lala eegtay ayaa ku soo jeeday magaalada Muqdisho iyagoo ka yimid gobolka Sh/hoose waxaana wararka ay sheegayaan in waxyeelo ay soo gaartay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada AMISOM ay rasaas fureen ayna waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyadoo aan horeba looga baran in ay AMISOM ka hadlaan qaraxyada lala eegto gaadiidka ay wataan ciidamadooda.