Warar goor dhow naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo Suuqa ku ganacsanayay.

Dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay Masjidka Shuhadaa oo ku dhex yaallo Suuqa Cabdalla Shideeyaha Bakaaraha, waxaana ninka la dilay uu ka shaqeynayay goob lagu farsameeyo Moobeelada iyo Makiinadaha Cabitaanka lagu shiido.

Goob joogayaal ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysan ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirka kala dheceen Marxuumka, isagoo rasaasta lagu dhuftay durba goobta ugu geeriyooday.

Ciidamada amaanka oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgallo baaritaano ah, iyadoo goobta mar sii horeysay ay isaga carareen dhalinyaradii toogashada geysatay.

Ciidamada howlgalka sameynayay oo rasaas kor u ridayay ayaa soo qabtay qaar kamid ah dhalinyaradii Suuqa ku ganacsaneysay, iyagoo la aaday xarumaha ay wax ku baaraan.

Si dhab ah looma oga sababta ka danbeysa toogashada ninkan dhalinyarada ah, waxaase Suuqa Bakaaraha wax ku dila Shabaab iyo Daacish, iyadoo dadka la beegsado ay yihiin kuwo kala Afkaar duwan Kooxahaas.