Kooxda is abaabushay ee la magac baxday Macawisley ayaa xalay weerartay fariisimo ay ururka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan degmada Cadale.

Iskahorimaad xoog leh ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaankaas iyadoo saacado uu qaatay dagaalka halkaa ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in iskahorimaadkan uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka ku nool deegaankaas ayaa waxaa soo wajahday cabsi la xiriirta in markale lagu dul dagaalamo.

Sarkaal u hadlay kooxda Macawisley ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhiga ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud qasaare xoog lehna gaarsiiyeen, kooxdii weerarka qaadayna ay si nabad ah ugu soo laabteen saldhiga ay ku leeyihiin degmada Cadale.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab ee la xiriira dagaalka ka dhacay deegaanka Cali Gaduud.

Kooxda Macawisley ayaa hore weeraro ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe waana koox ka dhisan deegaano ka mid ah Maamul goboleedka Hirshabelle.