Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon degmadaas.

Sida wararku sheegayaan dilkan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Shineemo Liibaan, waxaana falka dilka geystay labo ruux oo bastoolado ku hubeysnaa.

Wiilka dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabayay C/casiis C/llaahi, waxaa la sheegay in dhowr xabadood ay raggii hubeysnaa kaga dhifteen qeybaha sare ee jirkiisa, waana u geeriyooday.

Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, waxaana markii dambe goobta gaaray Meydka wiilka dhalinyarada ahaa.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmooyinka Boondheere iyo Kaaraan ka dhacay dilal kala duwan oo ay geysteen kooxo hubeysan, kuwaasoo aanay suura gelin in gacanta lagu soo dhigo.