Wararka ka imaanaya magaalada Berbera ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Hargeysa iyo Bebera.

Sida wararku sheegayaan waxaa isku dhacay Gaari nooca waaraaaadka iyo gaari Bus ah, kuwaas oo si gaar ah u marayay deegaanada Lafa ruug iyo Xamaas ee magaalada Berbera.

Inta la ogyahay 8 qof ayaa ku geeriyootay shilka, halka ay dhaawacyo soo gaaray ugu yaraan 10 qof oo kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Berbera.

Deegaanada Somaliland waxaa muddooyinkii dambe ku soo kordhay shilalka gaadiidka ee sababa dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo shilalka la sheego iney sabab u yihiin khibrad yaraan heysata wadayaasha gaadiidka iyo burbur ka jira waddooyinka.