Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta daahfuray kulan looga hadlayo daadejinta Qorshaha Qaran iyo Tubaha.

Xukuumada iyo Xoojinta wadashaqeynta Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Wasaaradaha Federalka magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Shirkan waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada dowlad gobaleedka Hirshabeeele,maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe iyo mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ujeeadada shirka ayaa ahaa in Golaha Wasiirada Hirshabeele xog buuxdo laga siiyo tubaha qaranka si wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Wasaaradaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele

Waxaa ugu horeyn goobta ka hadlay Abukaate Cumar Maxamuud dhageey oo ka mid ah howlwadeenada xafiiska ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya waxana uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan oo socon doono muddo saddex maalmood ah.

Avv Dhagay ayaa sheegay in howlaha xukuumada ay ku salaysan tahay Afar tubood oo kala ah Tubta ormarinta dhaqaaalaha, tubta siyaasada loo dhan yahay, tubta horumarinta Arrimaha Bulshada iyo tabta Amniga iyo Cadaalada

Gudoomiyaha barlamaanka Hirshabeele Cismaan Barre Maxamed ayaa sidoo kale ka hadlay kulankan kula dardaarmay golaha wasiirada Maamulka Hirshabeele, in si wanaagsan kaga faa’idesytaan macluumaadka inta uu socda shirka

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeele, ahna madaxweyne kuxigeenka Cali cabdulaahi Xuseen Guudlaawe  ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo xubnaha ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uuna ku dhawaaqay isagoo si rasmi ah u furay shirkan oo ah mid noociisa oo kale kii ugu horeeyay ee lagu qabto Jowhar.