Waxaa lagu wadaa in goor dhow uu furmo kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo looga doodayo arrimaha Amniga, iyadoo su’aalo lagu weydiinayo Wasiiro iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama Guddoonka Baarlamaanka uu u yeeray Mas’uuliyiinta Hey’addaha Ammaanka iyo Taliyeyaasha Ciidamada, si wax looga weydiiyo xaalada amni ee magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay faraha ka sii baxeysay.

Ilo ku dhow dhow Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in illaa 54 Xildhibaan ay ku xaadirtay waqtigii loogu tala galay in lagu tago xarunta Golaha Shacabka oo ah 10:00 subaxnimo.

Hase ahaatee tiradaas ma aanay buuxin kooramka uu ku furmi lahaa kulanka, waxaana Guddoonka uu ku daray saacado dheeraad ah, si Xildhibaanada maqan u soo xaadiraan, waxaa kulankan uu yahay mid ka duwan kulamadii hore, waxaana uu qaadan doonaa waqti dheeraad ah.

Dhinaca kale Guddoonka ayaa sheegay in saxaafada loo codeynayo inay kulanka goobjoog ka noqdaan iyo in bannaanka loo saaro, waxaana arrintan ay noqon doontaa mid dood hareyso.

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa dhigaya in Xildhibaanka in muddo hal daqiiqo ah uu su’aal ku weydiiyo Wasiirada loo yeeray, halka jawaabtana noqon doono muddo saddex daqiiqo ah.