Kulan loogaga hadlayay sidii loo xalin lahaa caqabadaha hortaagan haweenka  ku nool Maamul Goboledka Hirshabelle inay kamid noqdaan Golayaasha Deegaanka ee la qorsheynayo in dhowaan laga hirgeliyo qaar kamid degmooyinka uu ka  kooban yahay Hirshabelle ayaa  lagu qabtay maanta magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha Hirshabelle,Maamulka heer gobol iyo heer Degmo,Ururada Haweenka,Dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka ayaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban shan qodob.

Qodobada laga soo saaray kulankan ayaa waxaa kamid ah in la sameeyo guddi u qareema Haweenka Hirshabelle sidii ay ugaga mid noqon lahaayeen golaha deegaanada la qorsheynayo in dhowaan la dhiso.

Sidoo kale Warmurtiyeedka laga soo saaray kulankan ayaa waxaa ka mid ah in laga wada shaqeeyo sidii  ay heli lahaayeen haweenka qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon golayaasha  deegaanada ee la dhisayo.

Halkan hoose ka aqriso War Murtiyeedka laga soo saaray Kulanka ka dhacay Jowhar;