Waxaa goor dhow furmay Kulankii xasaasiga ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka uu saacad dib uga dhacay waqtigii loo balamay inuu furmo, kaddib markii uu kooramka buuxsami waayay, balse gadaal ay ka soo dhameystirmeen Xildhibaanada maqnaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa kulanka furay, kuna dhawaaqay in kooramka dhan yahay, isla markaana la guda geli doono ajandaha kulanka.

Waxaa xarunta Golaha Shacabka ku sugan Taliyeyaasha Booliska, Milateriga iyo Asluubta oo ka mid ahaa Taliyeyaashii loo yeeray, waxaa ka baaqsaday oo aan imaan Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin oo ku caan ah inuu iska qariyo ama ka dhuunta fagaraayaasha iyo kulamada caadiga ah.

Sidoo kale waxaa kulanka ka maqan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo ka mid ahaa xubnihii loo yeeray.

Wasiirada Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar Dambe oo labaduba Xildhibaano ah ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa inay su’aalo ka weydiiyaan xubnaha qaabilsan ammaanka, waxaana saacadaha soo socda la geli doonaa doodo adag oo dhex mari doonta Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta Ammaanka.

Saxaafadda ayaa dibadda looga saaray kulanka, kaddib markii Xildhibaanada ay cod u qaadeen, waxaana ay aheyd dalab ka yimid Xubnaha qaabilsan Ammaanka oo ka codsaday Guddoonka in saxaafada la saaro, inta ay socoto dooda amniga.