Kulankii koowaad ee Kalfadhiga 5aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii loogu tala galay inuu ku furmo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay inuu kulanka baaqday, isla markaana uu kooramka buuxsami waayay.

Ku dhowaad 116 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka, waxaa maqnaa Wasiirada Xildhibaanada ee ku jira Xukuumadda Kheyre, waana sababta baaqashada kulanka.

Intii aanu kulanka furmin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa xarunta Golaha shacabka la tagay boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo kala duwan, sida in Goluhu noqday Gole Sacab.

Xildhibaanada qaar ayaa dood ka keenay ajandaha kulanka oo xalay la shaaciyay, kaasoo ahaa dhageysiga warbixinta Guddiga dib u eegista Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay daneynayeen in kulanka looga doodo arrimaha amniga.

Baarlamaanka Federaalka ayaa u muuqda mid ku furmaya buuq iyo jahwareer hor leh, marka loo eego xaalada dalka ka jira iyo sida Guddoonka ay u taageersan Xukuumadda, taasoo kulamada Baarlamaanka ka dhigi karta mid fowdo ah.

HALKAN GASHO