Waxaa maanta Kooram la’aan u baaqday kulan ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka baaqday ayaa ahaa ka doodista Hindise Sharciyeedka shirkadaha ganacsiga, sida ku cad fariinta xalay loo diray Xildhibaanada.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu kooramka maanta soo buuxsami waayay, isagoo sheegay inay fadhiga yimaadeen 128 mudane, inkastoo uu kooramka ahaa inuu ku frumo 139 Xildhibaan.

Xildhibaan C/raxmaan Beene Beene oo ah Guddoomiyaha guddiga Ganacsiga ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in mas’uuliyad darro weyn ay tahay in Xildhibaanada iyagoo Caasimada ku sugan ay isaga maqnaadeen kulanka Baarlamaanka.

Kalfadhigan 5aad,waxaa baarlamaanka ka baaqday dhowr kulan, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka ay hore u sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan Xildhibaanada aan imaan fadhiyada Baarlamaanka ee isaga maqan fasax la’aanta, inkastoo aysan muuqan cid amarkaas dheg jalaq u siisay.