Kulanka Golaha shacabla ee loo balansanaa maanta oo Arbaco ah ayaa ugu dambeyn ku furmay kooramkii ugu badnaa, kaddib markii todobaadkan uu labo jeer kooram la’aan u baaqday.

Wararka laga helayo xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in lagu sigtay in kulanka uu baaqdo markii saddexaad, hase ahaate markii dambe ay Xildhibaano fara badan yimaadeen, sidaasna uu kooramka ku gaaray 156 Xildhibaan, si rasmi ahna kulanka loo furay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa saacad dheeraad ku daray kulanka, kaddib markii ay 10-kii subaxnimo soo xaadiri waayeen tiradii uu ku furmi lahaa kooramka, waxaana waqtiga lagu daray ay keentay inta badan Xildhibaanada ay yimaadaan xarunta

Guddoomiye Mursal oo hadal ka jeedinayay furitaanka ayaa sheegay in maalinta Sabtida ee soo socota looga hadlayo kulanka Golaha shacabka xaalada amniga ee dalka, isla markaana loo yeeri doono Hey’addaha Amniga, taasoo ay isla garteen Guddiga joogtada.

Waxaa gebi ahaanba meesha laga saaray soo jeedintii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ku dalbadeen in kulanka looga hadlo xaalada amniga, waxaa taas bedelkeed bilaabatay in la guda galo ajandahii kulanka ee la xiriira dhageysiga warbixinta Guddiga dib u eegista dastuurka