Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib muddo bil iyo dhowr cisho oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu saarnaa diyaaradii shalay Muqdisho ka qaaday Safiirkii Kenya u fadhiyay Soomaaliya Lucas Tumbo, waxaana su’aal badan ka taagan tahay inuu wax ka ogaa go’aanka Kenya, maadaama uu Muqdisho yimid, saacado ka hor inta aanu soo bixin war saxaafadeedkii Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ee ay ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Muqdisho, kuna amartay Safiirkii Soomaaliya inuu degdeg dalkeeda uga baxo.

Kusimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin oo heysta dhalashada dalka Kenya, waxaa deegaan iyo saldhig u aheyd magaalada Nairobi oo uu ku noolaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Mr Fahad Yaasiin oo lagu tilmaamo ninka ugu saameynta badan dowladda Soomaaliya ee xilligan ayaa mudadii uu Nairobi ku sugnaa waxaa uu la kulmay Mas’uuliyiin kala duwan, waxaana la sheegaa in arrinta Maamulka Jubbaland darteed iyo arrimo kale u joogay, waxaana intii uu Nairobi joogay isku arkeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Lama oga go’aanka dowladda Soomaaliya gaari doonto ee la xiriira jawaabta xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhex taagan, hase ahaatee war saxaafadeedkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxaa ku jirtay in Kenya ay u diyaarsan tahay inay difaacato sharafka dhulkeeda qiima kasta oo ay ku kaceyso, isla markaana cid kasta oo ka qeyb qaadato ku xadgudubka dhulka Kenya haddii ay yihiin dad u dhashay Kenya ama heysta dhalshada Kenya ay yihiin cadaw