Labo ruux oo mid ka mid ah ay ahayd ruux dumar ah ayaa lagu diley maanta caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.Dilka hore oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyadoo dilka uu geystey mid kamid ah ilaalada Hotel Shamo ee magaalada Muqdisho.

Haweeney ka mid ahayd dadka naafada ah ayaa la sheegay in ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray xabad uu ridey mid kamid ah ilaalada hotelka kaasoo la sheegay inuu baxsaday.

Sidoo kale waxaa uu askari ka tirsan ciidamada ammaanka ka tirsan ku diley mid kamid ah darawalada gaadiidka Blka ah duleedka magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay iyo darawalka ladiley ayaa ku murmay lacag tiradeeda lagu sheegay $1 doollar.

Darawalka la diley oo magaciisa lagu sheegay Zakariye Axmed Xaaji ayaa ka shaqeyn jirey wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.