Wadamo dhaca qaarada Aasiya iyo kuwa Carbeed ayaa isku khilaafsan maalinta Koowaad ee Ciidul Fitriga qaar kamid ah ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta 1-aad oo ah maalinimo Talaado ah halka kuwa kale ay sheegeen in maalinta koowaad ay tahay maalinta Arbacada, June 5.

Imaaradka Carabta, Sacuudiga iyo Baxreyn ayaa isku raacay in maalinta Talaadada ay tahay maalinta Koowaad ee Ciida.

Indonesia ayaa ku dhawaaqday in maalinta Talaadada ay tahay maalinta ugu dambeysa ee Ramadan  ciidana ay tahay maalinta Arbacada, June 5, iyagoo sheegay in maanta aan la arkin Bisha.

Guddiyada aragtida bisha u kala qaabilsan Japan iyo Malaysia ayaa sidoo kale isku raacay in maalinta Koowaad ee ciida ay tahay Arbacada.

Dhanka kale war-saxaaafadeed ka soo baxay safaaradda Imaaradka Carabta ee Bangkok  ayaa lagu sheegay in xarunta Islaamiga ee Thailand iney ku dhawaaqday in Talaadada soon tahay, Arbacadana 5 June iney tahay maalinta 1-aad ee Ciida.

Wasiirka Tiknoolijiyadda iyo Sayniska ee dalka Pakistan Fawad Chaudhry ayaa xusay in marka la eego Calendar-ka ay wasaaradiisu u diyaarisay Bisha Hijriga in 5 June ay tahay maalinta Koowaad ee Ciida oo ah Arbacada.

Ugu dambeyn golaha Imaamyada wadanka Australia ayaa iyana dhankooda ku biiray wadamada ku adkeystay in maalinta Koowaad ee Ciida iney tahay Arbacada islamarkana la soomayo berri oo Talaado ah.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibraahim (Loyal)

Xigasho: Khaleej Times

Gmail:Abdiazizh99@gmail.com