Munaasabad lagu xusayay maalinta Baiyaha Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Hirshabelle ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowla goboleedka Hirshabelle.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Hirshabelle,xildhibaano,Maamulka gobolka Sh/dhexe, Maamulka degmada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii ka hadashay maalinta Biyaha ee 22 March ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar,guddoomiye ku xigeenka Arrimaha amniga Muxumad Sugaal Cabdi,Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Cabdi Calas iyo mas’uuliyiin kale.

SIdoo kale waxaa munaasbadan ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Hirshabelle Cabdiladhiif maxamuud waxana uu sheegay inay si,dhaw ula socdaan biyo la’aannta ka jirta deegaano badan oo ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadan ka hadlay Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Hirshabelle Shuceeb Cabdikariin waxana uu u ballanqaaday Bulshada ku nool dowlad goboleedka Hirshabelle inay Wasaaradiisu ay ku dadaali doonto sidii looga bixi laha baahiyaha biyo ee jira.

Sanad walba ayaa waxaa caalamka laga xusaa maalinta Biyaha oo ah 22ka March iyadoo sanadkan ay ku soo beegantay xilli biyo la’aan badan ay ka jirto deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.