Munaasabad lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa maanta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ay gaadiid dhowr ah ku wareejisay Maamul Goboleedyada Hirshabelle,Koofurgalbeed iyo Gobolka Banaadir.
Munaasabadda ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beelle iyo Guddoomiyaha G/Banaadir,waxana min 2 Gaadiid ah lagu wareejiyey Maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir halka 3 Gaadiid ah lagu wareejiyey Maamulka Hir-Shabeelle.

“Maanta waxaan Wareejinay Todobo Gaadiid ah oo loogu talagalay Dowlad-Goboleedyada in ay ku hormariyaan Canshuuraha Dalka, Iyadoo waafaqsan codsigoodii hore ayaa loogu qeybiyay sidaan, Gobolka Banadir (2), Maamulka Hishebelle (3) Maamulka K.Galbeed (2)” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Maalmaha soo socda ayaa la qorsheynayaa in maamulada kale ee dalka loo qeybiyo gaadiid kale,iyaga oo loo kala siin doono Jubbaland 3 Gari halka Puntland iyo Galmudug la siin doono min 2 Gari.

Hase yeeshee gaadiidka maanta la wareejiyay ayaa waxaa la siiyay oo kaliya maamulada aan madaxdooda ka qeybgalin shirk a dhacay magaalada Nairobi kaasoo looga codsaday wakiilada beesha caalamka inay si toos ah ula soo xiriiraan maamuladaas oo aan deeqaha loo soo marsiin dowlada federalka.