Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgarad ka soo jeeda deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa dhaliilay Maamulka degmada Warsheekh iyagoo ku eedeeyay musuqmaasuq.

Odayaasha iyo waxgaradka mid kamid ah beelaha dega Deegaanada Ceelmacaan, Haabaay,Malable,Gumarey,caloolweyn iyo Ceelka Cusub oo ah deegaano hoostaga Degmada Warshiikh ayaa kulan ay kuyeesheen deegaanka Ceelka cusub waxa ay baaq Muhiim ah u direen Madaxda ugu sareeysa maamulka Hirshabeele.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo kamid ah Baarlamaanka Hirshabeele Wasiir dowalaha Wasaarada Dib u hishiisiinta Hirshabeele Maxamuud Maxamed Saney, gudoomiyaha Degmada Balcad Taliyaha Xeebaha Hirshabeele Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo masuuliyiin kale.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen inaysan ka helin maamulka Warshiikh waxqabadkii loo igmaday inay bulshada u qabato. “Deegaanada aan ku nool nahay wax horumar ah kama jiro xag caafimaad,waxbarasho,beero,kalluumeysi iyo xoolaba maamulkana waa mid isku koobay magaalada Warsheekh oo kaliya.”ayuu yiri Nabadoon Cali Xasan Cumar oo ka mid ah waxgaradkii ka qeybgalay kulanka.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo wasiir dowlaha wasaarada dib u hishiisiinta Hirshabeele Maxamuud Maxamed Saneey ayaa ka codsaday hirshabeele in ay tixgaliso baaqooda.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay kulanka Xildhibaan Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo kamid ah Baarlamaanka Hirshabeele sheegay in Codsigooda ay gaarsiin doonaan madaxada Hirshabeele.

”Dadkan kunool halkan waa dad aan arag wax dowlad ka socda mudo 27 sano ah waana dad deegaankooda uu yahay mid dhul baaxad weyn ku fadhiya 50 km ayuu ka badan yahay waa dad heysta dhul uqalma degmo” ayuu yiri Xildhibaan Gudbaaye.

”Deegaanadan dadka ku nool waxa ay hoostagaan degmada warshiikh kamana helin adeegydii bulshada u baahneed warshiikh waxaa ka howlgallo hay’addo mashaariic kala duwan wado deegaanadan weli wax mashruuc ah kama fulin waxaana la geeyaa deegaano uu gooni maamulka degmada dadkana waxa iska horkeenayana waa hay’adaha samafalka sida SHARD O,ICRC iyo qaar kale”ayuu sii raaciyay xildhibaan Gudbaaye.

“Bulshadan waxa ku qasbaya in ay codsadaan in degmo looga dhigo Ceelmacaan waa tabashooyinkaasi oo ka qabaan maamulka Warshiikh Codsigiina waxaa horgeyn doono golaha baarlamaanka Hirshabeele iyo madaxda ugu sareeysa sida madaxweyne Waare iyo madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlawe Xuseen”ayuu yiri Xildhibaan Gudbaaye.

Dadka ku nool deegaanada cabashada ka keenay maamulka degmada Warsheekh ayaa ah kuwo isugu jira beeraley, xoolodhaqato, kalluumeysato iyo ganacsato.