Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray labo xeer oo ah Digniin ku socda Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cusmaan oo saxaafadda u akhriyay xeerkan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar ku mashquulsan yihiin dib u habeynta bulaacadaha iyo naleynta, si bilicda dib loogu soo celiyo.

Xeerkan ayaa mamnuucaya in danta guud loo isticmaalo danta gaar ahaaneed, sidoo kale waxaa la faray cid walba ay gurigeeda hortiisa ku dhejiso Nal.

Xeerkan ayaa sidan u qornaa:-

1- In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka ka soo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo isticmaalo mid gaar ahaaneed.

2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.

– Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.