Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa bilaabay inuu dayactir ku sameeyo waddo muhiim ah oo noqotay meel biyo fariisin ah bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay howshan dayactirka ah ayaa sheegay in ay ku qaadatay muddo sidii ay go’aan uga gaari lahaayeen halkii laga heli lahaa dhagxaan iyo carro kaawo muhiim u ah dayactirka wadooyinka.

“Kooxdii nabad diidka ahayd ayaa diiday in laga keeno Muqdisho agabkii lagu dayactiri lahaa wadadan balse waxaan gaarnay go’aan ah in aan ka qaadano carro-kaawo iyo dhagxaan dhisme la dumiyay oo hore u ahayd Xaruntii Dowlada Hoose ee degmada Jowhar.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee Jowhar

Goobaha haatan dayactirka lagu sameynayo ayaa ah meel istiraatiiji u ah marida gaadiidka iyo dadkaba waxaana xilliyada roobabka fariisan jirey biyo taasoo dhibaato ay ku ahayd marida gaadiidka iyo dadkaba.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka sameysmay meelo biyo fariisin ah kadib markii dadweynaha ay sanad walba ku shubaan carro wadooyinka si ay isaga xiraan biyaha xilliyada roobabka.