Olole nadaafadeed oo ka bilowday magaalada Jowhar

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa maanta ka qeybgalay olole nadaafadeed oo ka bilowday xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda Maxamed Cabdi Nuuni,duqa magaalada Jowhar Sheekh Saalax Muudey Cali iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka mid ah madaxdii maanta ka qeybgashay ololahan nadaafadeed.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay munaasabadii bilowga ololahan nadaafadeed ayaa ugu baaqay shacabka degmada Jowhar inay dhowraan nadaafada.

“Inta qashinka kuu jiro ayuu cudurkana kuu jiraa ee waa in la ilaaliya nadaafada si degmada oo ah xarunta dowlad goboleed ay u noqoto mid qurxoon oo indhaha ay soo jiitaan, gaar ahaan iyadoo hadda la galayo xilli roobaadka”ayuu yiri guddoomiye Axmed Meyre Makaraan.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka arrimaha Siyaasada ee maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Nuuni, duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolka  Sh/dhexe Marwo Madiino Caddow Colow  ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay ololahan nadaafadeed iyagoo taageeray baaqa guddoomiye Meyre.

Ololahan nadaafadeed ee ka bilowday  magaalada Jowhar ayaa maanta si gaar ah waxaa laga sameeyay suuqa ugu weyn magaalada Jowhar iyo agagaarka garoonka kubbada cagta ee magaalada Jowhar.

Ololahan nadaafadeed ayaa  ku soo beegmaya  iyadoo la rajeynayo in roobabka xilliga deyrta ay dhowaan ka curtain gobolka Sh/dhexe.