Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa lagu magacaabay guddi qiimeeya kana talo bixiya arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada sare oo ay dhowaan dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la joojiyay lana baabi’iyay imtixaankii ay hore u galeen ardayda.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Wasaarada waxbarashada Maamul Goboleedka Hirshabelle iyadoo ay xubno ka yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada gudoomiyaasha gobolada Hiiran,shabelaha dhexe iyo aqoonyahano.

Afhayeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro oo saxaafada u aqriyay wareegtadan ayaa sheegay in dowlad goboleedka Hirshabelle ay tixgelin talooyinka guddigan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle oo la hadlayay qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ee magaalada Jowhar ayaa dhowaan sheegay in ay ka fiirsanayaan in adeegyada waxbarashada ay ku xirnaadaan dowlada federalka.

Banaanbaxyo ay ka dhigeen magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ardayda laga joojiyay imtixaanaadka ayaa waxa ay ku dalbadeen in Maamulka Hirshabelle uu go’aan ka gaaro arrimaha Waxbarashada.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada Madaxweynaha Hirshabelle ku magacaabay Guddiga;