Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Ibraahim Cali Sanbuur ayaa sheegay in maamulka Hirshabelle uu gacan siin doono xoolo dhaqatada ay saameynta ku yeelatay jiilaalka dheeraaday ee ka jira Hirshabelle.

Maxamed Ibraahin Sanbuur Wasiirka Xanaanada Xoolaha Hirshabelle oo booqday maanta seylada xoolaha magaalada Jowhar ayaa warbixino ugaga dhagaystey xoolo dhaqatada,ganacsatada iyo dalaaliinta xoolaha.

Xoola dhaqatada iyo ganacsatada ayaa u sheegay wasiirka in ay jirto abaar sababtay in xooluhu ay waayaan wax ay cunaan iyo biyo taasna ay sababtay in uu hoos u dhac uu ku yimaado qiimaha xoolaha.

Booqashada Wasiir Sanbuur ayaa waxaa ku wehelinayay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh,guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar,Madaxa hay’ada CERELBA ee magaalada Jowhar Cumar Aadan Samatar iyo kale.

Ugu dambeyntii Wasiirka Xanaanada Xoolaha Hirshabelle Maxamed Ibraahim Cali ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in Maamulka Hirshabelle uu ka gacan siin doono xoolo dhaqatada sidii ay calaf iyo biyo ugu heli lahaayeen xoolahooda.

“Waxaan la kaashan doonaa hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ahba sidii calaf iyo biyo loogu heli lahaa xoolaha ay abaartu saameysay.”ayuu yiri wasiir Sanbuur.

“Waxaan dabageli doonaa hay’adaha calaamiga ah iyo kuwa wadaniga ah eek a howlgala Hirshabelle.”ayuu sii raaciyay Wasiir Sanbuur.

Roobabka xilliga guga ayaa sanadkan ka soo daahay daahay sanadkan deegaanada hoos yimaada Maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale weli qalalan wabiga Shabelle oo halbowle u ah beeralayda iyo xoola dhaqatada Hirshabelle.