Maamulka Isbitaalka Keysaney oo ka hadlay bukaan lagu dhex diley isbitaalka

Maamulka isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dil loogu geystey gudaha isbitaalka nin dhaawac ahaa oo loo geeyay isbitaalka in lagu daweeyo.Madaxa maamulka Isbitaalka Keysaneey Cali Bile Yuusuf Maxamuud ayaa sheegay in shalay abaaro 12:30 duhurnimo Isbitaalka Keysaneey la keenay laba nin oo dhaawac ah,kuwaasi oo kala tirsanaa Ciidamada Booliska iyo Militariga,isla markaana mid ka mid ah uu ku dhintay qeybta saalada.

“Gudaha Isbitaalka ayay soo galeen ciidamo badan oo watay hub,iyagoona qolka qalliinka ku jibiyay dhaqaatiirtii ku howlanayd samataxinta bukaanka loo keenay, kadibna rasaas xoogan ayay ku fureen ninkii dhaawaca ahaa ee saarnaa saalada qalliinka.”ayuu yiri Cali Bile Yuusuf oo la hadlayay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu dhex diley Isbitaalka Keysanay qof la sheegay in uu ahaa aabaha ninkii lagu dhex diley saalada qalliinka.

Dhacdadan ayaa ah mid si weyn ay uga naxeen shacabka magaalada Muqdisho iyadoo dilka dadka geystey ay baxsadeen.

Balse illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska ama maamulka gobolka Banaadir oo la xiriira dhacdadan.