Maamulka Jubbaland ayaa is hor-taag ku sameeyay dadweyne soo dhoweyn lahaa Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, kaasoo lagu wado inuu magaalada Kismaayo kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha.

Shacab taageersan C/rashiid Xidig ayaa loo diiday inay galaan garoonka diyaaradaha, si ay u soo dhoweeyaan, iyagoo watay sawirkiisa, waxaana dadweynihii laga hor istaagay soo dhoweynta ay ku eedeeyeen Maamulka Jubbaland in diidan yihiin dimoqraadiyada.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland doorashada dhici doonta bisha Agosto ee sanadkan.

Maamulka Jubbaland ayaa amarro ka soo saaray dhaq dhaqaaqyada Musharaxiinta, iyagoo mamnuucay ololaha ay sameynayaan ee Musharaxnimadooda iyo inay ilaalo hubeysan la soo galaan Kismaayo.