Maamul goboleedka Puntland ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii shirkadda diyaaradaha Ethiopia Airlines oo ka mid ah shirkadaha ugu wanaagsan qaarada Afrika ay ugaga howlgali lahayd deegaanada uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii loo dhaariyay xilka madaxtinimada maamulka Puntland ku jooga dalka Ethiopia ayaa kula kulmay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiyaan Airlines.

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha shirkadda duulimaadyada Itoobiya Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka Madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel, Madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin lahayd duulimaadyo joogto ah.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa u bandhigay madaxda shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines in Puntland ay leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaradaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline.

Masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa dhankooda soo dhoweeyey inay Puntland ka hirgeliyaan dulimaadyo qayb ka noqda kobcinta Ganacsiga labada dhinac, waxayna shirkaddu ogolaatay bilaabista duulimaadyo isku xira Puntland iyo Itoobiya.

Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa sidoo kale magacawday Guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaasi oo 15 Juun 2019 diyaarinaya xog dhammaystiran oo ku aadan Garoonka.