Maamulka Puntland ayaa joojiyay kulan dadweyne oo xalay ka dhici lahaa magaalada Garowe, kaasoo uu ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Center For Policy Alternatives ee fadhigeedu yahay magaalada Garowe ayaa ahaa Dood looga hadli lahaa hannaanka doorasho ee dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ay ku wargeliyeen xarunta qaban qaabisay kulankaas inay joojiyaan, isla markaana xilligan aan la qaban karin kulankaas oo kale, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin hannaanka doorasho ee dalka ka dhacaya, isla markaana uu Garowe shir uga socdo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Baraha Bulshada ayaa si aad ah loogu hadal hayaa kulanka la joojiyay, iyadoo la soo bandhigay boorka ka turjumayay kulanka, oo ku dhex jiray sawirka Madaxweynaha iyo Hotelka lagu qaban lahaa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan kulanka xalay la joojiyay ee uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan ayaa aheyn mid ku cusub dalka in la joojiyo kulamo ay ka qeyb galaan Siyaasiyiin, dhowr jeer oo hore dowladda Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in la joojiyo kulamo iyo Siminaaro uu Muqdisho ku qaban lahaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo mucaarada Maamulka Madaxweyne Farmaajo.