Maamulka Puntland ayaa ka hadlay duqeeyn ka dhacday maanta meel ku dhow degmada Isku shuban ee gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday Tuulada Xiriiro oo 3KM u jirta degmada Isku Shuban ee gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan Kooxda Daacish.

“Duhurnimadii maanta ayaa duqeyn lala eegtay gaari uu watay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa lagu diley.”ayuu yiri Cabdisamad Gallan Wasiirka Amniga Puntland xilli uu la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa intaa ku daray in guud ahaanba gaarigii ay saarnaayeen labadan sarkaal la gubay balse ma sheegin ciddii fulisay duqeyntanvvoo maanta dhacday lagunq dilay Cabdixakiim Dhoqobeed oo ah ku xigeenka Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Warar madax banaan ayaa sidoo kale xaqiijinaya in duqeyntan ay maanta ka dhacday meel ku dhow degmada Isku Shuban laguna gubay gaari nooca raaxada ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Daacish ee ka howlgasha dalka Soomaaliya.

Duqeynta laga geysto dalka Soomaaliya ayaa waxaa badankood fuliya ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika.