Madaxda Maamul goboleedyada oo la filayo inay gaaraan magaalada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta la filayo inay halkaasi gaaraan madaxda maamul goboleedyada dalka ka dhisan.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan lagu arkayaa goobaha loo qorsheeyay inay dagaan kuna shiraan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo wadada xiriirisa garooka diyaaradaha iyo magaalada.

Waxaa kulanka looga hadli doonaa Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ka dhashay magacaabista dowladda ee saraakiisha ciidamada ay u magacaabeyso deegaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe, oo leh qaban qaabada kulankaan ayaa la filayaa in shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo uu ka sheego dhibaatooyinka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dareemaya culees siyaasadeed, iyaga oo ku eedeynaya madaxda dowladda inay ka dambeeyaan abaabulka Culeeska siyaasadeed ee heysta labada maamul.

Madaxda Puntland iy Koofur Galbeed ayaa dhankooda dareemaya culeesaadka kaga imaanaya dhanka doorashada, waxaana horey madaxweyne Gaas, uu kaga digay in fara gelin lagu sameeyo doorashada Puntland.

Waa kulankii seddexaad oo madaxda yeeshaan tan muddada la sameeyay golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo dhisan ku dhawaad hal sano.