Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii dastuurka marxuum C/raxman Xoosh Jibriil oo Maanta ku geeriyaaday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Dowlada Federalka.

Guddoonada labada Gole ee BFS, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka Qaranka ayaa dhamaantood tacsi ka diray Geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka.
Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa waxaa si kedis ah u haleelay xanuun deg-deg ah, xilli uu ku sugnaa Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraat-ka Carabta, isagoo mudda yar ka dibna ku geeriyooday Isbitalka Dubai.