Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa ayaa salka ku haya arrimaha ka jira Gobolka Geeska Afrika iyo dhaq dhaqaaqyo cusub oo soo kordhay, kaddib markii shir saddex geesood ahaa oo maalin ka hor Madaxda dalalka Itoobiya, Kenya iyo Eritrea magaalada Asmara.

Qoraal kooban oo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isla maanta wada hadalo la yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana kulankooda ku lafo-guri doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ugu ambabaxay Itoobiya ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka ka maqan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha oo shirar uga qeyb galay dalalka Switzerland iyo Jordan.