Madaxweynaha dalka Aljeeriya Abdelaziz Bouteflika ayaa sheegay inuusan mar shanaad isu soo sharixi doonin doorashada madaxweynaha dalkiisa.Bouteflika ayaa sidoo kale sheegay in dib loo dhigay doorashadii la qorsheeyay inay ka dhacdo dalka Aljeriya horaanta bisha April ee sanadkan.

Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo inuu markale isu soo sharaxo madaxtinimada dalka Aljeriya madaxweyaha 82 sano jirka ah ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay ka dhacayeen dalka Aljeriya.

Wakaalada wararka ee dalka Aljeriya APS ayaa shaacisay in la qaban doono shirweyne qaran oo dib u habeyn loogu sameynayo dastuurka dalkaas dhamaadka sanadkan 2019.

Madaxweynaha Aljeriya oo muddaba xanuun hayay ayaa tan iyo sanadkii 2013kii xilligaasii oo uu dhiig maskaxda ugaga furmay waxana uu awoodi waayay inuu socdo isagoo isticmaala gaariyada dadka naafada ah.

Sidoo kale wakaalada wararka APS ayaa sheegtay in ra’iisul wasaarihii dalkaas,waxaana wararku ay sheegayaan in dalka Aljeriya oo ku yaal Waqooyiga Afrika laga yaabo in isbedel degdeg ah uu ku yimaado.