Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ayaa si deg-deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maxamed Cabdi waare ayaa Waxana Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali muxumed Caraale.

Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Waare ee magaalada Beledweyne oo uu dhowr maalmood ka hor safar dalka Kenya ah ugaga ambabaxay ayaa waxaa ku soo beegantay xilli magaalada Beledweyne ay ka socdeen banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka Hirshabelle.

Dadka banaanbaxayay oo taageersan guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku gubayay wadada laamiga ah lugo baabuur.

Safarka Madaxweyne waare ayaa waxaa uu salka ku hayaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baladweyne oo ay wada joogaan labada guddoomiye goboleed.