Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle ” Xaaf” ayaa soo gaaray maanta caasimada dalka ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf ayaa si toos ah u tegey madaxtooyada qaranka isagoo kulan la yeeshay  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lamana oga arrimihii ay ka wada hadleen.

Booqashadan ayaa timid kadib markii khilaafkii ka dhexeeyay dowlada federalka iyo Maamulka Galmudug lagu soo xaliyay magaalada Cadaado oo uu booqasho ku tegey Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Madaxweyne Xaaf ayaa muddo badan hal sano ka badan aan imaan magaalada Muqdisho, waxaana jiray Khilaaf kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii heshiis laga gaaray.