Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo booqday deegaanka Baar sanguuni

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta booqday saldhigga Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Saldhigga Ciidamada ku leeyihiin Baar Sanguuni ayaa ka mid ahaa goobihii ay Ciidamada huwanta la wareegeen bilo ka hor, hase ahaatee Al-Shabaab ay weeraro is qarxin iyo mid toos ah ku soo qaaday dhamaadkii bishii July.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kala hadlay saraakiisha ciidamada sidii loo sii wado lahaa howl-galada, isla markaana Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Axmed Madoobe inuu u yimid Baar Sanguuni si uu kulan ula qaato Ciidamada, una arko duruufta ay ku shaqeynayaan, waxaana uu ku boggaadiyay niyad wanaaga ciidamada oo ka muuqato inay diyaar u yihiin inay naftooda u huraan.

Deegaanka Baar Sanguuni ayaa intii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ku howlanaayeen qabashadeeda waxaa lagu dilay askari Mareykan ah, sidoo kale waxaa jiray weerar culus oo Al-Shabaab ku qaaday, iyagoo muddo kooban heystay, balse markii dambe isaga baxay.