Wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

Wafdiga madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa waxaa ka mid ah xubno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Ujeedada booqashada Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu sheegay inay tahay sidii halkaas looga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.