Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo saraakiil kale oo ka socotay dowlada Maraykanka.
Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah golaha wasiirada Maamul goboleedka Puntland.

“kulanka waxaa looga hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadaninimada waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlay saxaafada.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland uu la yeesho safiir ka socda Dowlada Maraykanka tan iyo markii uu la wareegay maamulka dowlad goboleedka Puntlandd.

HALKAN GASHO