Madaxweynaha Somaliland oo booqday deegaanka Tukaraq iyo eedeyn uu u jeediyay Puntland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay booqasho lama filaan ah ku tagay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, gaar ahaan aagga Bari ee deegaankaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Somaliland.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee deegaanka Tukaraq ayaa qeyb ka mid safaro uu ku marayo deegaanada Somaliland, oo lagu soo beegay sanad-guuradiisa koowaad ee doorashadiisa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay ku hoyday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaasoo uu kula kulmay qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka.

Waxaa uu Muuse Biixi ku eedeeyay Maamulka Puntland inay weli hurinayaan colaada, isla markaana wax kasta oo lagu xalinayo dagaalka ay dhankooda ka socon la’dahay.

Muue Biixi ayaa sheegay in maamulkiisa aanu diyaar u aheyn inay duulaan qaadaan, balse ay iska difaacayaan weerar walba oo lagu soo qaado.

Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in xiisad ay ka dhalatay tagitaanka Madaxweynaha Somaliland, waxaana weli deegaanka isku horfadhiya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.