Warbixinta Did-U-Eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-AAD oo la Daah furay

Aug. 16 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Jaamac ayaa daah-furay Warbixinta Did-U-Eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-AAD.

Warbixinta ayaa faahfaahin buuxda waxa ay ka bixineysaa horumarkii laga sameeyay 30-kii bilood ee ugu horeysay laga soo bilaabo January 2020 ilaa June 2022 ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad.

Dib u eegista waxa ay muujinaysaa horumar la taaban karo oo laga gaaray bartilmaameedyada iyo ujeeddooyinka ugu waaweyn ee afarta tiir ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad.

Waxay sidoo kale tilmaameysaa waxii gaabis ahaa, caqabadaha, iyo casharrada laga bartay iyadoo sidoo kale soo jeedineysa talooyin wax ku ool ah si loo hagaajiyo wajiga ugu dambeeya ee Qorshaha ee 2023–2024.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More