Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Alshabaab oo lagu soo bandhigey degmada Maxaas

Sep 09 (Jowhar.com)-Ciidamo faro badan oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka Alshabaab ayaa lagu soo bandhigey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,iyadoo ay ciidamadaas hadalo u jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Hiiraan.

Siyaasiyiintii la hadashay ciidamadan oo dhinaca siyaasada ku kala aragti duwanaa ayaa u muujiyay ciidamada inay khilaafka siyaasada meel iska dhigeen haatana ay u diyaar yihiin iyagoo mideysan inay ka qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar Dabageed iyo madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan,Xildhibaan Cabdulaahi Sanbaloolshe iyo siyaasiyiin kale ayaa ka qeybgalay soo bandhigida ciidamadan.

Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa u sheegay ciidamada in ay u midoobeen inay la dagaalamaan Alshabaab ayna yihiin kuwo aan diin u wadin shacabka Soomaaliyeed.

“Diin ay wadaan ma jirto waa dugaag in dalka iyo dadka soomaaliyeed laga badbaadiyo.”ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo la hadlay ciidamada ayaa u xaqiijiyay inay siyaasada meel iska dhigeen oo ay umidoobeen la dagaalanka Alshabaab.

“Siyaasaddii na kala qeybineysay meel ayaan iska dhignay dagaalka Khawaarijta ayaan ku midownay hadaan nahay siyaasiyiinta,”.Xildhibaan Sanbaloolshe.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelel Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo isna hadlay ayaa muujiyay in ay kamideysan yihiin la dagaalanka Alshabaab.

“Waxaan ka wada shaqeyneynaa in Shabaab aan dalka ka saarno,sidii aan shalay isugu duubneyn ayaan isugu duubanahay sidaas ayaan ku soo heshiinay.”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan booqday degmada Maxaas ayaa ka dalbaday siyaasiyiinta iyo waxgaradka Bariga Hiiraan inay garab istaagaan sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaano ka mid ah GalMudug iyo Hirshabelle wixii tabasho ah oo ay qabto beesha Bariga Hiiraana dib loo dhigo, islamarkaana marka hore Beesha ay gasho dagaalkii ay kula jirtay kooxda Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More