Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa shir ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo wadajir ula kulmi doona Wakiilada Beesha Caalamka.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor gaaray Nairobi, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu shalay gaaray Nairobi.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu tago Nairobi, si uu ugu biiro Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug oo ay xulufo yihiin.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland in wadajir magaalada Nairobi kula kulmi doonaaan wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo kala hadlaya barnaamijka la macaamilka gaarka oo Beesha Caalamka dib u soo cusbooneysiisay in maamul goboleedyada si gaar ah uga taageerto barnaamijka Horumarinta iyo arrimaha bani’aadaminada.

Maamul goboleedyada ayaa horay ugu eedeeyay dowladda Federaalka inay ka joojisay mashaariicdii horumarineed ee Beesha Caalamka u soo marsiisay.

Khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowla Goboleedyada ayaa hakad geliyay barnaamijyadii mashaariicda horumarineed ee Beesha Caalamka soo marsiin jireen dowladda Federaalka, waxaana muddo la hadal hayay in Beesha Caalamka ay qorsheyneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd barnaamijka macaamilka gaarka ah ee Maamulada iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah uga taageereyso mashaariicda horumarineed.

HALKAN GASHO