Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qiray in dowladda uu hoggaamiyo ay si xiriir ah u bixineysay mushaaraadka ciidamada muddo sanad iyo 10 bilood ah, xilli ay maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen cabasho ka imaanayay Ciidamada xoogga dalka oo ahaa in aysan wax mushaar ah qaadan muddo afar bilood.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay Saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ciidamada ay xuquuqdooda siiyaan.

“Dowladda aan Madaxweynaha ka ahay diyaar ayay u tahay ciidamada xuquuqdooda inaan siino, waa iga marqaati furteen hal sano iyo 10 bilood in aan hal bil la waayin mushaarka oo aad si taxane ah u heleyseen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay wax is bedel ah ku dhicin, isla markaana labada sano ee dambe ay diyaarin doonaan mushaarka Ciidamada, raashinkooda iyo wixii ay u baahan yihiin.

Mar uu Madaxweynaha ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa uu Saraakiisha ciidamada ku duray inay leeyihiin Mas’uuliyadda in aan Al-Shabaab laga xoreyn dalka muddo labo sano ah, inkastoo balan-qaayadiisa doorashada ay aheyd in labo sano Al-Shabaab uu ka xoreynayo dalka.

“Is weydiiya labadii sano Shabaab maka xoreyseen dalka, maka xoreyseen…?, mala oran karaa Taliyeyaashii joogay xilligii Al-Shabaab laga xoreeyay Muqdisho waa idinka balan-fiicnaayeen oo waxay qabsadeen 3 bilood. Ma is weydiiseen in aan balantaas horay u laheyn, anaga dhankeena waa ka soo baxnay, wixii aad u baahneedeen inta karaankeena inaan fulinay, laakiin  idinka iguma soo noqon, oo aadan oran waqtiga waa nagu yar yahay, qorshihii aan bedelno, waqti ayaa u baahanahay, waliba waxaa igu darteen rasaas iyo hub ma heysano, taasna waa fuliyay, maantana dhib kama taagna”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo yeerayay cabasho ku aadan in aanay helin mushaaraadka, isla markaana laga jaray raashinka, taasoo sabab u noqotay inay ka soo baxaan difaacyada.