Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqsaday munaasabad uu Madaxweynaha Jabuuti kula hadlayay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo maanta ka dhacday Dugsiga Booliska Jen. Kaahiye.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu Madaxweyne Farmaajo uga baaqday ay tahay khilaafka weli u dhaxeeya labada Aqal oo aanu weli xal laga gaarin.Waxaa socda qorshe la doonayo in kalfadhiga labada Aqal si wadajir ah loo furo,

Si kasta ha ahaatee,ma cadda sida ay ku suura geli doonto haddii aan la xalin khilaafka soo dhex galay labada Aqal, iyadoo Xildhibaanada Aqalka Sare horay loogu wargeliyay in Kalfadhiga 5aad la furayo 16 bishan oo shalay ku beegneyd, balse loo baajiyay imaanshaha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Aqalka Sare ayaa sanadkii hore hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka, iyadoo lagu eedeeyay Guddoonka Golaha Shacabka ku tagri fal awoodda ka dhaxeysay labada Aqal.

Warbaahinta ay gacanta ku hayso Dowlada Federalka sida Radio Muqdisho iyo Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaan lagu soo daabicin qudbadii uu ka jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Dugsiga Booliska ee Jen Kaahiye.