Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey  ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tegey dalalka Burundi iyo Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira ciidamada dalka Burundi ee ku sugan dalka Soomaaliya oo AMISOM sheegtay in dhamaadka bishan laga saarayo illaa iyo kun askari.

Hase yeeshee madaxda labada dal ayaa ku baaqay in la qabto shir deg-deg ah oo ay ka soo qeybgalaan madaxda dalalkooda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si loogaga hadlo ka bixitaanka ciidamada Burundi ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Hase yeeshee waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u gudbayo dalka Ethiopia halkaa oo uu maanta gaaray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi balse ma jiro wax war rasmi ah oo ay dowlada Federalka ka soo saartay wararka sheegayay in uu baaqday kulan ay ku yeelan lahaayeen Farmaajo iyo Biixi magaalada Addis Ababa.