Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhiggay Xarunta Tiyaatarka Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhagax dhiggay Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre, kaasoo lagu dhisayo Barnaamij loogu magac daray Is xilqaan oo ay dhowaan dowladda ku dhawaaqday.

Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa ka mid aheyd goobihii taariikhiga ahaa ee ku burburay dagaaladii sokeeye, waxaana la qorsheynayaa in lagu dhiso Barnaamijka Is xilqaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay dhagax dhigga Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in muddo sanad ka yar lagu soo gabagabeyn doono dhismaha Tiyaatarka.

Tiyaatarka Qaranka ayaa dhowr jeer oo hore waxaa la sheegay in dib u dhis lagu sameynayo, waxaana jiray Engineero ka socda dalka Shiinaha inay booqdeen, maadaama dhismaha Tiyaatarka uu ka mid ahaa goobihii ay dhiseen Shiinaha.

Sidoo kale waxaa horay u jiray in dhaqaale loo uruuriyay dhismaha Tiyaatarka Qaranka, lama oga in halka ay ku baxeen dhaqaalahaas.