Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Burundi ee Bujumbuura iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

Dalka Burundi ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada ay ciidamadooda joogaan dalka Soomaaliya kuwaasoo dadaalka qayb ka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.
Booqashada wafdigan uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ee dalka Burundi ayaa ku soo beegmaya toban maalmood kahor xilli la sheegay in ciidamo gaaraya kun askari oo ka socda dalka Burundi qeybna ka ah ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM laga saarayo dalka Soomaaliya.
Hase yeeshee waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowlada Burundi ay ka biyo diidsan tahay in ciidamadeeda oo kaliya laga saaro dalka Soomaaliya iyagoo dalbaday in ay shanta dal ee ciidamadooda ka joogaan dalka Soomaaliya loo qeybiyo.

.