Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya   Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa ergyga gaarka ah ee Hogaamiyaha Jarmalka u qaabilsan qaarada Afrika  Günter Nooke.

Kulankan ayaa waxaa ay ugaga wadahadleen Madaxweynaha iyo ergeyga dalka Jarmalka u fadhiya  qaarada Afrika xiriirka labada dal,waxaana uu ergeyga uu soo gaarsiiyay  Madaxweynaha salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka.

Dowlada Jaramalka ayaa kamid ah dalalka caawiya dowlada Soomaaliya iyagoo ka gacan siiya dhinacyo kala duwan.