Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxda shirkadaha ganacsiga Shiinaha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo uu ka mid yahay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxa ay wadahadaladan ay ugu bandhigeen madaxda qaar ka mid ah shirkadaha ay la kulmeen waxa ay u bandhigeen fursadaha ganacsi ee ka jira dalka Soomaaliya iyo weliba kheyraadka uu Alle ku manaystay dalka.

Dhinaca kale Zhao Leji oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hanti Wadaagga ee Shiinaha, ahna Xoghayaha Guddiga La dagaallanka Musuqa ee Xisbiga ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Guriga Martida ee Diaoyutai State Guest House ee magaalada Bakiin (Beijing), sida uu sheegay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhamaan dadka daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya, taasi oo door weyn ka qaadaneysa in hormar la gaaro, islamarkaana deegaanka la maalgashado, maadaama ganacsiga Soomaaliya uu yahay mid furan.