Madaxweynaha dowladda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay u sii gudbeen Magaalada barakeysan ee Makkah al Mukarama, waxaana ay ka qeyb galayaan shirka Hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo kuwa Jaamacadda Carabta.

Shirka Hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta ayaa looga hadli doonaa xaaladaha ka jira dalalka Islaamka gaar ahaan Xiisadda Yemen.

Boqorka Sacuudi Boqor Cabdalla Bim Cabdulcasiis ayaa guddoomin doona shirarka, waxaana la filayaa in lagu cambaareeyo weerarada Xuutiyiinta Yemen ku soo qaadeen Sacuudiga iyo Maraakiibta Saliida ee Imaaraadka.